Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Madeey Nuur Sheekh Ufurow ayaa sheegay

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Madeey Nuur Sheekh Ufurow ayaa sheegay

 

 

 

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Madeey Nuur Sheekh Ufurow ayaa            sheegay in saddex Xarumood oo ku yaalla Muqdisho ay si KMG ah u                   degan yihiin iyada oo Maanta Muqdisho laga xusay 53-guuradii ka soo                                wareegtay markii la-aas’aasay Ciidanka Badda soomaaliya.

Waxa uu sheegay in sababtaas ay tahay in Xarumihii Ciidanka Badda Soomaaliya ay dowladda siisay dowladdi shiisheeye sidaasna ay si KMG ah ay xarumo kale ay ku dageen.

“Runtii anaga Askar ayaa nahay xqiiqidii meeshii naloo amro ayaan tagnaa xataa hadii badda dhexdeeda dega nala dhaho waan degeynaa sidoo kale waxana heysanaa doomo tiro yar oo aan ku filneyn baahideena Xarumihii Ciidankana dowladdo shisheeye ayaa la siiyay ayuu yiri taliyaha”

Sikastaba hadalka taliyaha Cidanka Badda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili Maanta oo ku beegneyd xiligii la aas’aasay ciidanka Badda Soomaaliya ay xuskoodii ay ku dhigteyn Dekada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *